Read more
hadalo qaliga taabanaya oo miidsan leh mar walba nagala socda waxaan diyaar idinku nahay inaan mar walba idiin soo galino wax ini xiiso galiya<
Dareennadan biirayee
Cishaba sii badanayaa
Bilaash iiguma shidnee
Qalbiga boholyow jiriyo
Kal baa laga biiliyaa
Xubbigu boqonteeda xidhay.
Bogsoon waydaye markaan
Naftaydan buseelku dilay
Ka joog bixisada idhaa
Wuxuu wadne baadiyii
Xogtayda ku beeniyaa
Inaanu ka baaqan karin
Badhkiisa kalee ka maqan!
Gal buu igu boorriyaa
Bad aanan itaal u hayn.
Waxaad iska baanataa
Boogaha tii daawo lee
Markaan xiska baadhayeen
Badbaado ka doon is idhi
Wuxuu beerkaygan kali
Axdiga buray dhowrayaa
I yidhi ballan baan galee
“Waxaad baabi’in kartaa
Odhaah buug lagu dhigee
Boggaaga xasuus ku qoran
Miyaad bir ku goyn kartaa?”
Anaan soo wada bandhigin
Intaan sigtay biimahee
Ka badan boqolkiiba boqol
Dhibtuu caashaqu i baday.




0 Reviews