Read more

Ku dhawoow mushkiladdaada Kuna dhiirro halisteeda Dhibta kugu lammaanaata Xalka lagu dhakhtarinaayo Ka dhex baadh xanuunkeeda. Noloshaad dhalaalkeeda Dhadhankeeda xiisayso Iska dhaafi kari waydo Marar baad ku dhacantaaye Dhab haddaad u sii eegto Halka dhaadashadu taallo Lurku dheegga kama qaado. Dunidana haddaad dhaaddo Dib u dhugato taariikhda Biyo kama dhibcaankeeda Wuxu yidhi dhambaalkeedu “Fursad dhalatay baaqeedu Halis kama ag dheeraato”