Read more
Anigu dabadaa ma hanan
Daryeel ruux ii huroo
Dareen ii muujiyee
Adigu ruux daacadoo
Ma heshay dabaday ku jecel?
Ayaamo horoo durkiyo
Sidayda ma daawataa
Xusuus daxalaysatoo
Dharaaraha diiqadaa
Hurdada ma is daba martaan?
Dabuubtiyo weedhahaan
Dabaca isu odhan jirniyo
Wakhtiyo isku duubnidii
Markaad dib u gocato sow
Qalbigu marar kuma damqado?




0 Reviews